:: Welcome --- Simba | News in Somali

M/weynaha maamulka Puntland oo kulan la qaadanaya madaxda xukuumadda Addis Ababa
Posted on: Arbaco, 11 March 2009 - Simba, Addis Ababa

M/weyne Faroole ayaa la kulmay madaxda Ethiopia

Wafdi uu horkacayo Madaxweynaha maamulka Puntland, C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa kulamo kula qaadanaya magaalada Addis Ababa mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Ethiopia, iyadoo ka wada hadlayo arrimo dhowr ah.

Xafiiska Simba ee deegaanada Puntland oo xiriir la sameeyey madaxda maamulkaasi ee ku sugan magaalada Addis Ababa, ayaa waxaa ay sheegeen iney kulamo la qaateen mas'uuliyiin uu ka mid yahay wasiiru dolaha arrimaha dibadda ee dowladda Ethiopia.

Kulankan ayaa arrimaha looga hadlayo waxaa ka mid ah xiriirka iyo wada shaqeynta dhex mari kara labada xukuumadood ee Puntland iyo Ethiopia.

Shalay ayey aheyd markii Madaxweyne Faroole oo ay weylinayeen qaar ka tirsan golaha wasiirada ee maamulka Puntland ay u ambabaxeen magaalada Addis Ababa ka dib casuumaad ay ka heleen dowladda Ethiopia.

M/weynaha maamulka Puntland iyo wafdigiisa ayaa la filayaa in Addis Ababa uga sii duulaan magaalada Djibouti halkaasoo kulamo kula soo qaadan madaxda Jamhuuriyadda Jabuuti.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani