Dhibaatooyin biyo la'aaneyd oo ka taagan deegaano badan oo hoos yimaada gobolka Sh/Hoose
Posted on: Arbaco, 11 March 2009 - Simba, Afgooye
Deegaanka ay ku nool yihiin qoysaska barakacayaasha, Lafoole, ee gobolka Sh/Hoose ayaa la soo sheegayaa in halkaasi ay ka jirto dhibaato biyo la'aaneyd oo sare u sii kacday.
Sare u kaca ku yimid dhibaatadan ayaa waxaa loo aaneynayaa cilado soo wajahay qalabkii biyaha ka soo saari jiray ceelasha ku yaala deegaanka Lafoole oo ay ku nool yihiin dad barakacayaal u badan.
Sabab kale ee sara u sii qaaday cilada ayaa waxaa ay tahay shaqo joojin la sheegayo in ay ku dhaqaaqeen hey'adaha samafalka ee ka howl gali jiray deegaankan laga soo sheegayo dhibaatada biyo la'aaneyd.
Biyo la'aanta ka taagan deegaanka Lafoole ayaa waxaa ay keentay in dadka ay gaaraan degmada Afgooye oo aad uga fog Lafoole, si halkaasi uga helaan biyo ay cabaan. Dhibaatadan biyo la'aaneyd ayaa sidoo kale waxaa ay ka jiraan deegaano badan oo hoos yimaada gobolka Sh/Hoose, iyadoo bulshada ay dalbanayaan gurmad bini'aadanino oo lala gaaro dhibanayaashaasi.
|