Ku dhowaad 10 qof oo cudurka shubanka ugu geeriyooday degmada Buurhakaba ee gobolka Bay
Posted on: Talaado, 11 March 2009 - Simba, Buurhakaba
 |
| Cudurka shubanka oo dad badan ku dilay deegaano hoos yimaada degmada Buurhakaba |
|
Cudurka shuban biyoodka ayaa la soo sheegayaa in faro kulul uu ku hayo deegaano hoos yimaada degmada Buurhakaba ee gobolka Bay; waxaana u geeriyooday ku dhowaad 10 qof saacadihii ugu dambeeyey, sida uu soo sheegayo wariyaha idaacadda Simba.
Saraakiisha caafimaad ee ka howl gala gudaha degmada Buurhakaba ayaa ku waramay in bukaano badan laga keeno goobo ka baxsan gudaha degmada, maadaama goobahaasi aan laheyn xarumo caafimaad oo lagula tacaalo dadka uu soo rito cudurka shubanka.
Sababta ugu weyn ee faafiyey cudurkan ayaa ah isticmaalka biyo wasaqeysan oo dadku ay cabaan maadaama biyo la'aan baahsan ay ka taagan yihiin deegaano kala duwan oo hoos yimaada gobolka Bay.
Illaa 30 qof ayaa u dhintay cudurka shubanka mudo ka yar 40 cisho gudahood deegaano ka tirsan gobolka Bay, sidaasi waxaa lagu xaqiijiyey baaritaan la sameeyey iyo warar laga soo xigtay saraakiisha caafimaad ee gobolka Bay.
|