Maamulka Islaamiga ee magaalada Kismaayo oo ka hadlay sida uu u arko go'aankii ay ansixiyeen golaha wasiirada
Posted on: Arbaco, 11 March 2009 - Simba, Kismaayo
Shir jaraa'id uu maanta ku qabtay gudaha magaalada Kismaayo, madaxa warfaafinta maamulka Islaamiga ee ka dhisan Kismaayo, Sheekh Xasan Yacquub Cali ayuu kaga hadlay sida uu u arko go'aankii ay shalay ansixiyeen golaha wasiirada.
Shir muhiim ah oo ku yeesheen wasiirada xukuumadda KMG ayey ugu dambeyntii si mideysan waxay u ansixiyeen in lagu dhaqmo oo dastuurka dowladda lagu saleeyo shareecada Islaamka; waxaana dhowaan la filayaa in qodobkaasi loo soo bandhigo baarlamaanka si uga doodo dhankoosa.
Sheekh Xasan Yacquub Cali, madaxa warfaafinta maamulka Kismaayo ayaa ku tilmaamay iney sharaf dhac u tahay shareecada Islaamka ka doodista ku dhaqankeeda ama in aan lagu dhameynin, isagoona xusay in Shareecada ay ka qiimo badan tahay wax walba.
Dhanka kale, waxaa uu ka hadlay xirnaanshaha maalintii labaad ay xiran yihiin xafiisyada Xalaadaha ee magaalada Kismaayo, taasoo uu ku tilmaamay arrimo farsamo lana xalin doono.
Warkan ka soo baxay xafiiska warfaafinta maamulka Islaamiga ee Kismaayo ayaa ku soo aadaya iyadoo dhanka kale ay socdaan wada hadalo u dhaxeeya saraakiil ka tirsan maamulka iyo mas'uuliyiinta shirkadaha xawaaladaha ee ka howl gala gudaha magaalada Kismaayo.
|