:: Welcome --- Simba | News in Somali

Madaxii ammaanka xafiiska R/wasaarihii hore TFG-da oo lagu dilay deg. Shibis qarax ka dhacay
Posted on: Arbaco, 11 March 2009 - Simba, Muqdisho

Faah faahin ayaa waxaa ka soo baxaya qarax miino oo ka dhacay gudaha degmada Shibis subaxnimadii saaka kaasoo geystay dhimashada inta la ogyahy saddex qof.

Qaraxan ayaa lala eegtay gaari uu la socday madaxii ammaanka xafiiska R/wasaarihii xukuumaddii hore ee TFG-da. Cubeed Maxamed Cali ayaa ku geeriyooday qaraxan miino.

Waxaa sidoo kale ku geeriyooday qaraxan miino wiil la dhashay Cubeed Max'ed Cali iyo askari la socday gaariga la qarxiyey.

Abuukar Shiino oo ka mid ah ehelada Marxuum Cubeed, ayaa u sheegay idaacadda Simba, in marxuumka uu la soo shaqeeyey R/wasaarayaashii hore ee xukuumadda TFG-da, balse xilligan "wax shaqo ma heynin" sida uu hadalka u dhigay.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah; waxaana qaraxan sidoo kale ka hadlay gudoomiye ku xigeenka maamulka degmada Shibis oo muujiyey sida uga xun yahay.

Qaraxan ayaa ahaa mid aad looga dareemay qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho, kaasoo aan la ogeyn saameynta uu ku yeelan karo dadaalada nabadda iyo dib u heshiisiinta.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani