Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo ku tilmaamay go'aankii golaha wasiirada "mid qiyaano ah"
Posted on: Arbaco, 11 March 2009 - Simba, Muqdisho
Sheekh Xuseen Cali Fiidow, madaxa siyaasadda iyo xiriirka gobolada ee xarakada Al-Shabaab ayaa maanta shir jaraa'id u qabtay warbaahinta gudaha, isagoona ka hadlay arrimo dhowr ah.
Xuseen Cali Fiidow ayaa ku tilmaamay "mid lagu qimaaneynayo ummadda Soomaaliyeed" go'aankii laga soo saaray kulan ay shalay ku yeesheen golaha wasiirada ee xukuumadda KMG.
Kulankaasi ayaa waxay ku ansixiyeen, golaha wasiirada, in lagu dhaqmo shareecada Islaamka, isla markaana qodobkaasi loo gudbiyo baarlamaanka si dhankiisa uga doodo.
Mar uu ka hadlayey safarka M/weyne Shariif uu ku marayo dalal Afrikaan ah, ayaa Sheekh Xuseen Fiidow waxaa uu ku tilmaamay mid uu ku booqanayo ciidamada Amisom ee waxyeelo ka soo gaartay weeraro loogu geystay gudaha Muqdisho kuwaasoo lagu daweynayo gudaha dalkooda.
Sarkaalkan ka tirsan Al-Shabaab ayaa sheegay in wax laga xumaado tahay in loo tacsiyeeyo dowladaha ay ciidamadoodu joogaan gudaha dalka Soomaaliya.
|