Qarax xoogan oo laga maqlay degmada Shibis ee magaalada Muqdisho
Posted on: Talaado, 11 March 2009 - Simba, Muqdisho
Goor dhoweyd ayaa qarax weyn laga maqlay qeybo ka tirsan degmooyinka dariska la ah degmada Shibis ee magaalada Muqdisho kaa soo ka dhacay gudaha degmadaasi Shibis, goob-joogeyaal ayaa soo sheegaya.
Qaraxan oo aan weli kala cadeyn waxa loo adeegsaday ayaa sidoo kale la ogeyn qasaaraha uu geystay iyo cidda fulisay.
Warar ayaa sheegay in uu ahaa bam lagu tuuray dhisme ku yaala gudaha degmada Shibis ee magaalada Muqdisho, taasoo aan la xaqiijin karin qasaaraha ka dhashay goobtaasi.
Wixii warar ah ee soo kordha kala soco wararkeena dambe...
|