:: Welcome --- Simba | News in Somali

Ciidamada ammaanka maamulka Islaamiga ee gobolka Hiiraan oo fuliyey howlgal burcad sifeyn ah
Posted on: Talaado, 11 March 2009 - Simba, B/weyn

Ka dib howlgal ka dhan ah falalka burcadnimo oo ay fuliyeen ciidamada ammaanka maamulka Islaamiga ee gobolka Hiiraan waqtiyadii ugu dambeeyey, ayaa waxay ku soo qab qabteen dad ku eedeysan dambiyo kala duwan.

Taliyaha ammaanka gobolka Hiiraan, Sheekh Cabdi Maxamed Cusmaan oo u waramayey idaacadda Simba, ayaa sheegay iney si deg deg ah sharciga u soo taagi doonaan eedeysanayaasha loo heysto dambiyada kala duwan.

Xaafadaha kala duwan ee magaalada Balad weyn iyo deegaano kale ayaa lagu arkayaa mudooyinkan ciidamada ammaanka oo ku howlan roondooyin ay ku xaqiijinayaan ammaanka.

Dhanka kale, maanta ayaa lagu wadaa in sharciga la soo taago nin ku eedeysan gacan ku dhiiglenimo kaasoo gacanta lagu dhigay maalinimadii shalay.

Dhowaan ayey aheyd markii xukun qisaas ah lagu fuliyey nin gacan ku dhiigle ahaa kaasoo ay xukuntay maxkamadda gobolka Hiiraan gudaha magaalada Balad weyn.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani