:: Welcome --- Simba | News in Somali

Hey'adda Culima'udiinka Soomaaliyeed oo taageertay ansaxinta ku dhaqanka Shareecada Islaamka
Posted on: Arbaco, 11 March 2009 - Simba, Muqdisho

Ka dib go'aankii ka soo baxay golaha wasiirada xukuumadda KMG kaasoo ku aadan ansaxinta ku dhaqanka shareecada Islaamka, ayaa waxaa soo kordhaya taageerada loo fidinayo go'aankaasi ay gaareen golaha wasiirada.

Shir jaraa'id oo maanta ku qabtay gudaha magaalada Muqdisho, xubin ka tirsan hey'adda Culima'udiinka Soomaaliyeed ayaa taageeray qodobkaasi ay sida mideysan u ansixiyeen golaha wasiirada.

Sh. Maxamed Yaasiin ayaa uga mahad celiyey golaha wasiirada isagoona baaq u soo jeediyey xildhibaanada baarlamaanka in ay qaataan go'aan la mid ah midkii ay soo saareen golaha wasiirada.

Baaqan iyo taageerada ay muujiyeen hey'adda culima'udiinka Soomaaliyeed ayaa waxaa ka horeeyey go'aan lagu ansixiyey ku dhaqanka shareecada Islaamka kaasoo shalay laga soo saaray kulan golaha wasiirada ku yeesheen gudaha Muqdisho.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani