FBI-da Mareykanka oo baaritaan iyo su'aalo weydiin ku haya Soomaalida ku dhaqan dalkaasi
Posted on: Talaado, 11 March 2009 - Simba, USA
 |
| FBI-da oo su'aalo weydiinaya dhalinyarada Soomaaliyeed |
|
Soomaalida ku nool dalka Mareykanka ayaa sheegay in FBI-da dalkaasi ay ku hayaan baaritaano la xiriira falal "argagixisonimo" taasoo dhibaato xoogan ku noqotay dhalinyarada ku dhaqan dalka Mareykanka.
Saraakiil u hadashay FBI-da ayaa sheegay in gudaha Mareykanka ay ka soo tageen dhalinyaro Soomaaliyeed, kuwaasoo ku soo laabtay gudaha Soomaaliya, si ay uga qeyb qaataan dagaalada ka socoda dalka Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigeen.
Mid ka mid ah dhalinyaradan ayaa FBI-da waxaa ay sheegtay in uu isqarxiyey isla markaana uu fuliyey weerar ka dhacay gudaha Soomaaliya bishii Octobober ee sanadii hore.
Guddiga ammaanka u qaabilsan taliska Mareykanka ayaa waxaa uu dhageysan doonaa dacwado ku saabsan in dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool gudaha Mareykanka ay ka qeyb qaataan dagaalada ka socda Soomaaliya.
Soomaali badan oo ku dhaqan gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in FBI-da ay weydiiyeen su'aalo ay ka mid yihiin safarada ay sameeyaan iyo goobaha ay ku cibaadeystaan.
|