Saraaakiisha ciidamada ammaanka magaalada Boosaaso oo baaritaan ku sameynaya qarax ka dhacay halkaasi
Posted on: Talaado, 11 March 2009 - Simba, Boosaaso
 |
| Qarax ayaa ka dhacay magaalada Boosaaso |
|
Qarax ayaa laga maqlay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari habeenkii xalay kaasoo illaa iyo haatan la ogeyn qasaaraha uu geystay iyo cidda ka fulisay.
Saraakiisha ammaanka ee magaalada Boosaaso ayaa wada baaritaan ku wajahan qaraxaasi, waxaana mas'uul u hadlay saraakiisha uu sheegay in qaraxa uu ahaa mid aan sidaasi u buurneyn oo aan geysanin waxyeelo sidaasi ah.
Goob joogeyaal ayaa ku waramay in ciidamada ammaanka ay ka xeysteen dad ku sugnaa nawaaxiga saldhigga booliska halkaasoo qaraxa uu ka dhacay, iyadoo halkaasina ay ku kala carareen dadkii kale ee ku sugnaa goobta.
Shalay ayey aheyd markii kulan la xiriira ammaanka ay yeesheen maamulka sare iyo saraakiisha ammaanka magaalada Boosaaso, waxayna kulankooda uga falan qoodeen wax ka qabashada xasilooni darrada soo kordheysa ee ka taagan magaalada Boosaaso.
|