:: Welcome --- Simba | News in Somali

Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca oo aad u soo dhoweeyey qaadashada shareecada Islaamka
Posted on: Talaado, 11 March 2009 - Simba, Muqdisho

Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa ka hadlay mowqifkiisa ku wajahan go'aankii uu ansixiyey golaha wasiirada ee xukuumadda KMG ah kaasoo ahaa in lagu dhaqmo oo dastuurka lagu saleeyo shareecada Islaamka.

Madaxa warfaafinta ururka Ahlu Sunna, C/llaahi C/raxmaan oo u waramay idaacadda Simba ayaa tilmaamay iney nasiib darro aad u fool xun tahay ka doodista in la qaadanayo shareecada iyo inkale, isagoona si weyn u soo dhoweeyey go'aanka ugu dambeeyey ee ka soo baxay kulan ay yeelanayeen wasiirada xukuumadda KMG.

Ururka Ahlu Sunna ayaa dhanka kale, waxay ka digeen u qoonsiga Culimada diinta "shaqsiyaad aan aqoon u laheyn ama aan mudneyn" taasoo madaxa warfaafinta ee Ahlu Sunna uu sheegay in ay dhici karto talaabadaasi in ay ku dhaqaaqaan xildhibaanada baarlamaanka.

Baarlamaanka ayaa waxaa ugu baaqay in ay qaataan shareecada Islaamka ayna u fiirsadaan cidda loo aqoonsanayo culumada diinta.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani