Howlgal dad lagu soo qab qabtay oo laga fuliyey deegaanka Xawaadley ee degmada Jowhar
Posted on: Isniin, 09 March 2009 - Simba, Jowhar
Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ee degmada Balcad ayaa ka fuliyey howlgal la xiriira ammaanka gudaha deegaanka Xawaadley oo ka tirsan degmada Balcad, kaasoo ay ku soo qabteen tiro dad ah.
Howlgalkan ayaa waxaa lagu soo qabtay labo qof oo lala xiriirinayo in ay ku lug leeyihiin falal burcadnimo ah, sida ay ku warameen saraakiisha ammaanka ee maamulka Islaamiga ee gobolka Sh/Dhexe.
Sheekh Axmed oo ah gudoomiyaha garsoorka ee deegaanka Xawaadley ayaa u sheegay idaacadda Simba, inay gacanta ku hayaan labada ruux isla markaana sharciga ay soo taagi doonaan dhowaan.
Howlgalka la xiriira ammaanka ee ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ka fuliyeen deegaanka Xawaadley ayaa waxaa soo dhoweeyey bulshada ku dhaqan deegaankaasi iyo dadka u dukaameysi taga.
|