Gaari rakaab siday oo lagu dhacay inta u dhaxeysa degmada Matabaan iyo Guriceel
Posted on: Talaado, 10 March 2009 - Simba, B/weyn
 |
| Gaari rakaab siday oo dhac loo geystay |
|
Fal dhac ah ayaa loo geystay gaari ay saarnaayeen dad rakaab ah inta u dhaxeysa degmada Matabaan iyo Guriceel ee gobolada Hiiraan iyo Mudug, sida uu soo sheegayo wariyaha idaacadda Simba.
Qaar ka mid ah rakaabkii la socday gaariga ayaa waxaa ay cadeeyeen in koox ku hubeysan khoryaha fud fudud ay wadada u galeen; waxaana dadka rakaabka laga dhacay agabyo kala duwan oo ay wateen.
Gaariga ayaa ka yimid magaalada Boosaaso halkaasoo ay ka soo raaceen dad rayid ah si ay u soo gaaraan magaalada Balad weyn ee xarunta gobolka Hiiraan.
Dhacan lagula kacay gaariga ayaa waxaa uu ku soo aaday xilli howlgal dhanka ammaanka ay ka wadaan ciidamada maamulka Islaamiga qeybo badan oo ka tirsan gobolka Hiiraan.
|