Madaxweyne Shariif Sh. Axmed iyo wafdigiis oo booqanaya wadamo Afrikaan ah
Posted on: Isniin, 09 March 2009 - Simba, Muqdisho
Ka dib socdaalkii ugu horeeyey ee dhanka dibadda oo Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayey ku tageen dalka Kenya ayaa M/weyne Shariif halkaasi waxaa uu kulan kula qaatay dhigiisa dalka Kenya, iyadoona ka arrinsaday arrimo dhowr ah.
Maxamed Cabdi Omaar oo ka mid ah xubnaha la socda M/weynaha oo u waramayey idaacadda Simba, ayaa sheegay kulanka ay wada qaateen labada madaxweyne in ay uga falan qoodeen arrimaha siyaasadda iyo nabad gelyada labada dal iyo weliba hagaajinta daris wanaaga.
M/weyne Shariif ayaa socdaalkan uu ku gaaray Kenya qeyb waxaa uu ka yahay booqasho uu ku soo kala bixin doono dalal kala oo Afrikaan ah, sida uu sheegay Mr. Omaar.
Waxaa lagu wadaa M/weyne Shariif Sh. Axmed iyo wafdigiisa inay maanta u duulaan magaalada Bujambura ee caasimadda dalka Burundi, halkaasii la filayo in ay kula soo kulmaan madaxda dalkaasi.
Maxamed Cabdi Omaar ayaa ku tilmaamay safarka ay qorsheynayaan in ay ku tagaan dalka Burundi in uu la xiriiro isbarasho madaxda labada dal, iyadoo warar kalena ay tibaaxayaan in kulanka lagu soo qaadi doono arrimo quseeya ciidamada Amisom.
|