Madaxweynaha dalka Kenya oo baaq u soo jeediyey dhigiisa dalka Soomaaliya
Posted on: Isniin, 09 March 2009 - Simba, Nairobi
Madaxweynaha dowladda Kenya, Mwai Kibaki ayaa ugu baaqay dhigiisa dalka Soomaaliya, sheekh Shariif Sheekh Axmed in uu ka shaqeeyo nabad ka dhalata gayiga Soomaaliya, taasoo fursad weyn siineysa shacabka Soomaaliyeed, sida uu xusay.
M/weyne Mwai Kibaki ayaa hadalkan jeediyey ka dib kulan xasaasi ah oo kula qaatay M/weyne Shariif Sheekh Axmed gudaha dalkiisa.
Labada madaxweyne ayaa kulankooda waxay iskula soo qaadeen sidii loo hagaajin lahaa darisnimada iyo xiriirka ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.
M/weynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa intii kulanka uu socday waxaa uu balan qaaday inuu la hadlo doono cid walba oo mucaarad ku ah dowladdiisa taasoo fududeyn karta in qabadaha horyaala ay ka gudubto dowladda cusub uu yeeshay dalka Soomaaliya.
|