Golaha wasiirada xukuumadda KMG ah oo si mideysan u ansixiyey ku dhaqanka shareecada Islaamka
Posted on: Talaado, 10 March 2009 - Simba, Muqdisho
 |
| Golaha wasiirada ayaa ansixiyey ku dhaqanka shareecada |
|
Ka dib kulankii saddexaad oo golaha wasiirada xukuumadda KMG ah ku yeesheen gudaha magaalada Muqdisho, ayaa waxay ka soo saareen bayaan ku xusan waxyaabihii lagu falan qeeyey kulankii maanta.
Kulankan ayaa waxaa shir gudoominayey R/wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke; waxaana soo xaadiray illaa 20 xubnood oo ka mid ah wasiirada xukuumadda KMG ee Soomaaliya.
Bayaanka laga soo saaray kulankii maanta ayaa saxaafadda waxaa u akhriyey Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Farxaan Cali Maxamuud; waxaana xusid mudan in kulankii maanta lagu magacaabay guddi war bixin ka diyaariya arrimaha dhaqaalaha u soo xarooda dowladda.
"Dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel walba ay joogaan waxaan ku bogaadinayaa in maanta golaha wasiirada ay ansixiyeen ku dhaqanka shareecada Islaamka, taasina waxaan filayaa in ay tahay mid ahmiyadeeda leh" ayuu yiri wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda KMG.
Maalmo gudahood ayaa la filayaa in baarlamaanka uu kulan ku yeesho gudaha magaalada Muqdisho kaasoo ajandaha uu noqon doono sidii cod loogu qaadi lahaa go'aanka ay isku raaceen golaha wasiirada in lagu dhaqmo shareecada Islaamka.
|