Cudurka shubanka oo afar qof ugu geeriyootay deegaan ka tirsan gobolka Sh/Hoose
Posted on: Isniin, 09 March 2009 - Simba, Afgooye
 |
| 4 qof ayaa u dhintay cudurka shuban biyoodka gudaha gobolka Sh/Hoose |
|
Deegaanka Mareerey ee gobolka Sh/Hoose ayaa waxaa ku geeriyooday illaa afar qof oo isugu jira caruur yaryar iyo gabar qaangaar ah, sida uu soo sheegayo wariyaha idaacadda Simba.
Dhimashadan ayaa waxaa ay dhacday saacadihii ugu dambeeyey ka dib markii cudurka shubanka uu soo ritay dad badan, waxaana jira tiro kale oo haatan u jiifa cudurka gudaha gobolka Sh/Hoose.
Deegaanada laga soo sheegayo in uu fara kulul ku hayo cudurka shuban biyoodka ayaa waxaan ka jirin rug caafimaad oo lagula tacaali karo dadka uu soo ridanayo cudurka, taasoo ah dhibaato horleh oo soo wajahday bulshada ku dhaqan deegaanadaasi.
Deegaano kala duwan oo hoos yimaada gobolka Sh/Hoose ayaa mudooyinkanba waxaa laga soo sheegayey cudurka shuban biyoodka oo noqday mushkiladda haatan ka taagan deegaanadaasi ee gobolka Sh/Hoose.
|