:: Welcome --- Simba | News in Somali

Munaasabadda Dhalashada Nabiga (N.N.K.H.) Oo Si Weyn Looga Xusay Dalka Koonfur Afrika
Posted on: Talaado, 10 March 2009 - Simba, Cape Town

Munaasabad si weyn loosoo agaasimay oo lagu maamuusayey Dhalashada Nabigeenka Muxamad (SWC) ayaa xalay ka dhacday Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Africa.

Munaasabadan oo ay si heer caalami ah usoo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan dalka Koonfur Africa, gaar ah xaafadda Bellville ee ay Soomaalidu degto, islamarkaana ay kasoo qeyb-galeen Culumaa'udiin, aqoonyahano, dhalinyaro Haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalkan Koonfur Africa, ayaa waxaa si diiran looga hadlay xuska Nabigeena Muxamed CSW iyo waajibaadka ka saaran ruux kasta oo Muslim ah.

Culumaa'udiin aad u fara badan oo xafladaasi ka hadashay ayaa si gaar ah usoo qaatay Siirada Nabiga CSW, min Dhalashadiisa ilaa xilligii la oofsaday iyo dhibaatooyinkii kala duwanaa ee uu lasoo maray inuu Diinta Islaamka gaarsiiyo guud ahaan caalamka iyo Halgamadii Islaamku usoo galay fidinta iyo kor yeelidda Islaamka.

Isagoo ka hadlayey Xafladaasi farxadda iyo qiimaha weyn xambaarsan ayaa Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee Koonfur Africa C/raxmaan Axmed Cumar oo ku magac dheer Cabdi Yare Jidoow, waxa uu carabka ku adkeeyey muhiimadda xuska Dhalashada Suubanaheena Muxamed (N.N.K.H.) iyo in umad kasta oo Islaam ah looga baahan yahay weynneynteeda.

“Waxaa marag madoonta ah in Abuu Lahab oo ahaa Nabiga Adeerkii oo la ogyahay nacybka uu u qabay Rasuulka, hadana Habeenka Isniinta ee uu dhashay Nabi Muxamad (S.C.W.) loo qafiifiyo Naarta farxad yar oo uu ku farxay dhalashadiisa darted, marka maxaad moodaa cidii sare u qaada oo weynaysa Nabiga” ayuu yiri mudane Jiidoow.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay inuu jeclaan lahaa in dadka diidaya weynaynta Nabiga (N.N.K.H.) uu jeclaan lahaa inay ka waantoobaan mabda'aasi, sida uu yiri.

Sanad waliba 12-ka Bishan Rabiicul-Awal oo ku astaysan dhalashada Nabiga S.W.C, ayaa waxaa si weyn uga dhaca daafaha caalamka munaasabado badan oo lagu weynaynayo farxadda dhalashada Rasuulka.
| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani