:: Welcome --- Simba | News in Somali

Gudoomiyaha baarlamaanka oo sheegay inay fariisin ka sameysanayaan xarunta gaadiidka Booliska
Posted on: Talaado, 10 March 2009 - Simba, Muqdisho

Baarlamaanka ayaa degi doona xarunta gaadiidka booliska ee magaalada Muqdisho

Maanta ayaa gudoomiyaha xubno uu hogaaminayo gudoomiyaha golaha baarlamaanka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur - Madoobe, howlo kormeer ah waxay ku gaareen xarunta gaadiidka booliska ee magaalada Muqdisho.

Sh. Aadan Madoobe, gudoomiyaha baarlamaanka ayaa kormeerkan waxaa ku wehlinayey mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo saraakiisha booliska. Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa saxaafadda la hadlay intii uu ku guda jiray kormeerkiisan.

Waxaa uu shaaca ka qaaday in xubnaha baarlamaanka ay degi doonaan xarunta gaadiidka booliska ee degmada C/casiis oo halkaasi si KMG looga dhigayo xarunta baarlamaanka KMG ee dowladda midnimada qaran.

Xildhibaanada baarlamaanka oo badankood soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa la filayaa inay yeeshaan kulankooda ugu horeeya si ay u sii dhirin dhiriyaan ajandayaasha horyaala baarlamaanka, Sh. Aadan Madoobe ayaa sheegay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan illaa 300 ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka kuwaasoo fariisin ka dhigan doona xarunta gaadiidka booliska, ka dib markii hal hore lala wareegay xaruntoodii hore ee magaalada Baydhabo.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani