Gawaari badan oo xamuul sida oo ku xayiran xuduuda ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Ethiopia
Posted on: Isniin, 09 March 2009 - Simba, Hiiraan
Wadada dhex marta xuduuda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa halkaasi waxaa ku xayiran gawaari badan oo sida xamuul kala duwan ka dib markii loo diiday in ay ka gudbaan ama u soo talaabaan gawaaridaasi gudaha dalka.
Xayiraadan ayaa waxaa soo rogay ciidamada xuduuda ee dowladda Ethiopia halkaasoo lagu arkayo gaadiidka dagaalka oo ay wataan ciidamada Ethiopia, dadka safarka ayaa ku waramaya.
Talaabadan ay ku dhaqaaqeen ciidamada Ethiopia ayaa walaac fara badan waxaa ka muujinaya gaadiidleyda isaga kala goosha xuduuda ay wadaagaan labada dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia.
Ma jirto sabab dhab ah oo lagu tilmaami karo xayiraadka ay ciidamada Ethiopia ku soo rogeen isticmaalka wadada dhex marta xuduuda, mana cada sidoo kale xilliga ay fasaxi doonaan gaadiidka ku xayiran xuduuda ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Ethiopia.
|