Cisbitaalka magaalada Gaalkacyo oo dib u howl bilaabay ka dib mudo badan oo xayiraad saarnaa
Posted on: Talaado, 10 March 2009 - Simba, Gaalkacyo
Cisbitaal ku yaala koonfurta magaalada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug ayaa waxaa lagu guuleystay in dib loo furo oo howshiisa uu guda galo ka dib in mudo ah xayiraad uu saarnaa howsha caafimaad ee lagu fuliyo cisbitaalkaasi.
Wasiirka amniga maamulka Galmudug, Cumar Maxamed Rooble oo u waramayey idaacadda Simba, ayaa sheegay in cisbitaalka si lacag la'aan ah loogu adeego dhibanayaal ka yimaada gudaha magaalada iyo daafaheeda.
Cisbitaalkan ayaa waxaa uu ku xirmay ka dib muran dhanka maamulka ah kaasoo ugu dambeyntii lagu guuleystay in la soo afjaro, waxaana dadaaladaasi sameeyey Odayaal iyo Waxgarad ku dhaqan gudaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Mudadii xayiraadka uu saarnaa howlaha cisbitaalka ayaa arrintaasi saameyn waxaa ay ku yeelatay dadka xanuunsan ee ku dhaqan magaalada Gaalkacyo taasoo cabasho ay ka muujiyeen.
 |
| --- |
|
|