:: Welcome --- Simba | News in Somali

Dowladda Fransiiska oo amaan u soo jeedisay ciidamada Amisom ee jooga gudaha Soomaaliya
Posted on: Isniin, 09 March 2009 - Simba, Paris

War ka soo baxay dowladda Fransiiska ayaa waxaa lagu amaanay dowladaha Burundi iyo Uganda ee ciidamadooda u soo diray gudaha Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan howlgalka nabad ilaalinta ee Amisom.

Faransiiska ayaa ku tilmaamay ciidamada ka qeyb qaadanaya howlgalka Amisom in ay sameynayaan talaabo geesino leh loona baahan yahay in la dhiiri geliyo oo la taageero.

Sarkaal u hadlay dowladda Fransiiska ayaa uga tacsiyeeyey doowladda Burundi geeriyda ku timid saraakiil iyo ciidamo la socday diyaarad ku burburtay gudaha dalkaasi maalinimadii shalay.

Ciidamada Amisom ee jooga gudaha Soomaaliya ayaa tiradooda lagu qiyaasay 3400 askari, kuwaasoo dalka soo gaaray sanado ka hor si ay u kaabaan dowladdii xilligaasi ka dhisneyd gudaha Soomaaliya, inkastoo aan wax badan ku soo kordhinin imaanshahooda.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani