Madaxweyne Shariif iyo wafdigiisa oo gaaray magaalada Bujumbura ee dalka Burundi
Posted on: Isniin, 09 March 2009 - Simba, Bujambura
 |
| M/weyne Shariif Sheekh Axmed ayaa gaaray magaalada Bujambura |
|
Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ee KMG ah, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo socdaalo ku maraya dalal ka tirsan bariga Afrika ayaa gaaray, ayaa gaaray magaalada Bujumbura ee dalka Burundi.
Wararka laga helayo halkaasi ayaa tibaaxaya in Madaxweyne Shariif iyo wafdigiisa si wanaagsan loo soo dhoweeyey isla markaana kulamo ayaa waxay la qaadanayaan madaxda dowladda Burundi.
Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sidoo kale sheegaya in ay ka arrin sanayaan arrimaha ammaanka iyo xasilooni ka dhalinta guud ahaan qaaradda Afrika iyo weliba xiriirka iskaashi ee ka dhaxeyn kara dowladaha Afrika.
Madaxweyne Shariif iyo wafdigiisa ayaa la filayaa in ay u sii duulaan dalka Uganda halkaasii sidoo kale kula soo kulmi doonaan madaxda dalkaasi; waxaana xusid mudan dalalka uu booqanayo Shariifka in ay ka mid yihiin dowladaha qeybta ka ah howlgalka Amisom ee ka socda gudaha Soomaaliya.
|