Amar bandow ah oo lagu soo rogay degmada Baardheere ka dib dagaal kulul oo halkaasi ka dhacay
Posted on: Isniin, 09 March 2009 - Simba, Muqdisho
Saaka ayaa xaalad deganaansho waxaa laga dareemayaa degmada Baardheere ee gobolka Gedo ka dib dagaal kulul oo halkaasi ku dhex maray xoogaga kala taabacsan Al-Shabaab iyo Ahlu sunna, kaasoo geystay qasaare nafeed.
Inta la ogyahay, intii rasaasta ay socotay ayaa dhaawacyo waxaa soo gaaray illaa todobo qof ay ka mid yihiin dhinacyadii dagaalamay iyadoo xaaladda guud ay tahay mid degan, sida uu soo sheegayo wariyaha idaacadda Simba.
Degmada Baardheere ayaa waxaa ka dhaqan galay amar bandow ah oo lagu soo rogay, waxaana la arkayey ciidamo roondeynayey xaafadaha kala duwan ee degmada si ay u sugaan ammaanka guud.
Odayaal iyo Waxgarad deegaanka ah ayaa ku howlan xalinta xiisada colaadeed ee ka soo cusboonaatay gudaha degmada Baardheere, iyagoona baaq nabadeed u jeediyey garabyadii u dhaxeeyey dagaalkii ugu dambeeyey.
Warar ka soo baxay mas'uuliyiin ka kala tirsan labada dhinac, ayaa midba midka kale waxaa uu ku eedeeyey in uu leeyahay mas'uuliyadda weerar lagu qaaday, kaasoo ka dhashay dagaal socday mudo saacado ah oo ka dhacay degmada Baardheere galabnimadii Isniinta.
|