:: Welcome --- Simba | News in Somali

Ciidamada ammaanka gobolka Hiiraan oo gacanta ku soo dhigay nin gacan ku dhiigle ah
Posted on: Talaado, 10 March 2009 - Simba, B/weyn

Ciidamada ammaanka ayaa ku guuleystay soo qabashada nin gacan ku dhiigle ah

Taliyaha amniga magaalada Balad weyn ee xarunta gobolka Hiiraan, Sheekh Maxamed Cabdi oo shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa maanta ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay nin lagu eedeeyey inuu hore u geystay fal dil ah gudaha gobolka Hiiraan.

Ciidamada ammaanka ee maamulka gobolka Hiiraan ayaa maalmahanba waxay ku raad joogeen ninkan loo heysto gacan ku dhiiglenimo, kaasoo ugu dambeyntii ay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan.

Dhowaan ayey aheyd markii xukun qisaas ah lagu fuliyey gudaha magaalada Balad weyn nin gacan ku dhiile ahaa kaasoo gacanta ay ku soo dhigeen ciidamada ammaanka ee gobolka Hiiraan.

Taliyaha ammaanka oo ka hadlayey shirkiisa jaraa'id ayaa sheegay in dhowaan ay maxkamadda soo taagi doonaan gacan ku dhiilaha maanta la soo qabtay lana marsiin doono wado waafaqsan shareecada.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani