:: Welcome --- Simba | News in Somali

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo kulan xasaasi ah la qaadanaya dhigiisa dalka Kenya
Posted on: Isniin, 09 March 2009 - Simba, Nairobi

M/weyne Shariif oo booqasho ku jooga dalka Kenya

Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo booqasho rasmi ah ku jooga wadanka Kenya ayaa kulan xasaasi ah waxaa uu la qaadan doonaa dhigiisa dalkaasi Kenya, Mwai Kibaki.

Labada M/weyne ayaa uga falanqoon doona kulankooda arrimo la xiriira ammaanka guud iyo wax ka qabashada kooxaha burcad badeeda Soomaalida ee ka qowleysta xeebaha dalka, saraakiil ku dhow dhow xafiiska M/weynaha ayaa u xaqiijiyey Simba.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha gudaha dowladda Kenya ayaa sheegay in M/weyne Shariif uu la kulmi doono madax ka tirsan Midowga Afrika.

M/weyne Shariif socdaalka uu ku gaaray dalka Kenya, ayaa soo dhoweyn aad u balaaran waxaa uu ka helay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya, isagoona ugu baaqay inay gacan siiyaan dadka ka soo cararay gudaha dalka.

Madaxweyana Soomaaliya ayaa la filayaa in uu u sii ambabaxo Afrikaan uu ka mid yahay dalka Uganda, taasoo aan si dhab ah loo ogeyn waxyaabaha uu ku saleysan yahay socdaalka uu M/weyne Shariif ku tagayo dalalka kale.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani