:: Welcome --- Simba | News in Somali

Maamulka Islaamiga ee gobolka Gedo oo uga digay dowladda Kenya "xad gudubyada ay wado"
Posted on: Isniin, 09 March 2009 - Simba, Baardheere

Falal xad gudubyo ah ayaa la soo sheegayaa in ay ka taagan yihiin deegaano ka tirsan gobolka Gedo, waxaana falalkaasi ka hadlay maamulka Islaamiga ee ka dhisan gobolka Gedo.

Falalkan ayaa la sheegayaa in ay ku kacaan ciidamada xuduuda dalka Kenya, taasoo bulshada ku dhaqan gobolka Gedo ay cabasho xoogan ka keeneen falalka tacadiyada ay la kulmaan.

Barre Max'ed Qooje oo ka mid ah saraakiisha ugu sareysa maamulka, ayaa xusay tacadiyadaasi inaan loo dul qaadan karin, isagoona digniin u jeediyey dowladda Kenya, "inay xad gudubyada ay wado."

Sidoo kale, gudoomiyaha maamulka gobolka Gedo, Axmed Yuusuf Barkuus mar uu ka hadlayey dhibaatooyinkan ayaa waxaa ugu baaqay dowladda Kenya in ay wax ka qabato, isagoona sii jeediyey in daris wanaag ay ku wada noolaadaan shacabka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani