:: Welcome --- Simba | News in Somali

Wasiirka Dhalinyarada iyo Sportiga oo Sheegey in Magacyadii hore ee Naadiyadda la soo Celin doono
Posted on: Isniin, 09 March 2009 - Simba, Muqdisho

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey oo leysugu yeerey Dhamaan Ciyaartoydii Noocyada kala duwan ee cayaaraha dalkeena soomaliya ayaa waxaa ay ka dhacdey hotelka naasa hablood e magaalada muqdisho.

Xafladaasi oo ahayd qado sharaf ayaa waxaa soo agaasimey wasaaradda dhalinyarada iyo sportiga ee dowladda midnimadda qaran ee soomaliya.

Xiddigihii kala duwanaa ee caanka ku ahayd noocyadda sporti ee dalka ayaa ka soo qeyb galey xafladdaasi,iyada oo halkaasina laga soo jeediyey ereryo xusuus iyo murugo wada huwaneyd oo cayaartoydii hore qaarkood ay ku qasabtey in ay hadalka sii wadi waayaan oo ay ilmeeyaan.

Ugu horeyntii waxaa halkaasi ka hadley Xiddigii hore ee Qaranka iyo naadigii Jeenyo dhinaca kubadda kolleyga Caanka ku ahaa Siciid Qorsheel, oo xusey in ay farxad weyn ay u tahay in uu wejiyadooda arko cayaaryahano ay isugu danbeeysey 18 sano iyo ka badan isaga oo intaa ku darey in markii uu joogey dalka dibaddiisa had iyo jeer uu aad u nixi jirey marka websatyadda uu ka aqristo ciyaartoy hebel ayaa ku jira xaalad xun ama ay wax gaareen.

Ka qeyb galayaasha xafladaasi oo ahayd tii ugu horeysey ee nooceeda ah oo ay isugu yimaadaan dhaman wiilal iyo gabdho xiddigihii dalka soo marey ayaa waxaa dadkii ka hadley ka mid ahaa, Marwo Caasho taraafiko oo ka sheekeysay sidii ay dagaaladii sokeeye ka dib ugu dhiiratey in ay soo aas aasto Gabdho dhinacca kubadda kolleyga cayaara ayna ku guuleysatey in ay soo saarto ilaa gabdho gaaraya dhowr koox.

Jeylaani qaliif maxamed oo ahaa Goolhayihii qaranka iyo Horseed ayaa isagana waxaa uu halkaasi ka soo jeediyey ereyo xanuun iyo farxadba ka muuqato isaga oo xusey in intii uu ku sugnaa Dalka wixii ka danbeeyey 18 sanno uusan fileynin in uu arko Ciyaartoydii hore ee wiilal iyo Gabdho oo tiradoodu intaan la ekeyd.

Baaba jeey ayaa ka sheekeeyey marxaladihii aadka u adkaa ee uu soo marey gaar ahaan in xanuun dhinaca feeraha ah uu mar la soo dersey isaga oo ad u qiireysana xusey in maalin farxadeed ay u ahayd xafladaasi. xitaa hadii aan caawa geeriyoodo Ciil ma qabbo ayuu hadalkiisii ku soo afmeerey jeylaani qaliif oo ilmeynayey.

Sidoo kale dadkii ka hadley waxaa ka mid ahaa Ismaaciil sinigaal.Macalin fara yare.

Wasiirka cusub e dhalinyarada iyo sportiga Suleymaan Colaad Rooble ayaa ugu danbeyntii hadalkii qaatey waxaa uuna xusey in muhiimadda xafladaasi qado sharafta

uu uga gol lahaa bal in marka hore ay is arkaan oo ay is bartaan cayaartoydii hore ee dalka oo aan looga maarmi karin sida loo hormarin karo sportiga dalka in lagala tashado.

Mr Colaad ayaa waxaa uu qirey in ay jiraan dhibaatooyin badan dhinacyada kala duwan wasaaradiisana ay ku dadaali doonto sidii loo soo nooleyn lahaa horumarinta sportiga dalka.iyo in ay shaqo u abuurto xiddigihii cuslaadey ee dalka.

Waxaana halkaasi laga soo jeediyey fikrad ah in dib loo soo nooleeyo naadiyadii caanka ka ahaa dalka ee beri samaadkii. fikradaasi oo noqotey mid leysku raacey,

Wasiirka ayaa sheegey in golaha wasiiradda iyo hayadaha ay quseyso hor dhigi doono arintaasi in la soo celiyo naadiyadii dalka.

waxaana ugu danbeyntii halkaasi lagu dhisey guddi ay yeesheen Cayaartoydii hore oo la shaqeya wasaaradda sportiga iyo dhalinyaradda.

Ugu danbeyntiina waxaa leysku raacey in 8 maarso loo aqoonsado maalinta Dib u soo nooleynta sportiga dalka.

Cabdulxafiid Cabdusammad Zaciimka
Zaciimka02@hotmail.com

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani