Gudoomiye xigeenka Sh/Dhexe oo ka war bixiyey socdaal uu dhowaan ku soo gaaray magaalada Muqdisho
Posted on: Isniin, 09 March 2009 - Simba, Jowhar
Gudoomiye ku xigeenka maamulka Islaamiga ee gobolka Sh/Dhexe, Macalin Daahir Calasow oo maanta wariyeyaasha kula hadlayey gudaha degmada Jowhar ayaa faah faahin waxaa uu ka bixiyey booqasho uu ku yimid gudaha magaalada Muqdisho.
Macalin Daahir ayaa dhowaan socdaal ku soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana ku wehlinayey mas'uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Islaamiga ee ka dhisan gobolka Sh/Dhexe.
Gudoomiye ku xigeenka gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegay in intii uu ku guda jiray socdaalkiisa uu kulamo la qaatay madax sare oo ka tirsan dowladda KMG, isla markaana ay isla soo qaadeen arrimo ku aadan sidii gacan looga geysan lahaa abaaraha ka jira gobolka.
Hadaladan uu ku faah faahinayey socdaalkii gudoomiye xigeenka gobolka Sh/Dhexe ku yimid magaalada Muqdisho, ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli sidoo kale la filayo in xubno ka socda dowladda ay booqan doonaan gobolka Sh/Dhexe deegaano hoos yimaada.
|