Xaflad lagu xusayo dhalashadda Nabi Muxamad NNKH oo ka dhacday wadanka Uganda
Posted on: Isniin, 09 March 2009 - Simba, Kampala
Munaasabad si wayn loo agaasimay oo lagu maamuusayay dhalashada Nabi Muxamad CSW oo ku beegan 12
bisha mowliid ayaa lagu qabtay masjidka Qadaafi oo ku yaala caasimadda wadanka Uganda ee magaalada kampala.
Masjidka Qadaafi ayaa waxaa uu ka mid yahay masaajidada ugu waa wayn ee ku yaala dalalka Bariga Afrika, waxaana ka qeyb galay xafladda kumayaal muslimiin ah oo isugu jira jaaliyadaha kala duwan ee muslimiinta ku nool wadanka Uganda.
Jaaliayadaha ka soo qeyb galay xafladani ayaa waxaa ka mid ahaa jaaliayada Soomalida, Masar, Liibiya, Suudaan, Yaman iyo Pakistan.
Gudoomiyaha golaha Ahlusuna waljamaacaha ee soomaalida wadanka Uganda
Sheikh C/qaadir Macalin Ibraahim (Suni) oo ka mid ah Culimadii ka
socotay Jaaliayadda Soomaaliyeed ee ka qayb gashay Xuska Mowliidka
ayaa Saaxafadda u sheegay muhiimadda ay leedahay maalinta dhalshada
nabigeena Muxamad SCW,isla markaana ay lagama maarmaan tahay in qofka
kasta oo muslin ah ahmiyadda gaar ah uu siiyo maalintaasi oo la
xaasuusnaado.
Sheikh C/qaadir waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay kuwa ka soo
horjeeda ixtifaalka dhalashadda rasuulka SCW,isagoo hoosta ka
xariiqay in taasi ay beenooday oo xus weyn loo sameeyay dhalshadda
Nabi Muxamad CSW.
Gudoomiyaha Golaha Ahlusni Waljamaacah ee Soomaalida Uganda ayaa si
weyn amaan iyo bogaadin u jeediyay golaha muslimiinta Uganda oo soo
qaban qaabiyay munaasabaddan.
Dhinaca kale waxa uu soo dhaweeyay doorashada Madaxweyanaha Cusub ee
Soomaaliya Sheikh Sharif Sheikh Axmed,isagoo ku tilmaamay in ay
fursad u tahay in dalka ay hogaamin karaan dhalinyaro aqoon leh.
Munaasabadan Xuska dhalashada nabigeena Muxamad SCW ayaa xaflado lagu
xusayo waxa ay maanta ka bilowdeen dunida islaamka.
Xasan kalkata
Kampala Uganda
|