Diyaarad siday sahay loogu talagalay in la soo gaarsiiyo ciidamada Amisom oo ku buruburtay dalka Uganda
Posted on: Isniin, 09 March 2009 - Simba, Muqdisho
 |
| Saraakiil ka tirsan dowladda Uganda oo ku geeriyooday shil diyaaradeed |
|
Ugu yaraan 10 qof oo isugu jira saraakiil iyo askar kale ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda, sida ay xaqiijiyeen saraakiil sare oo ka tirsan dowladda dalkaasi.
Afhayeen u hadlay dowladda Uganda ayaa sheegay in diyaaraddan ay siday sahay loogu talagalay in la soo gaarsiiyo ciidamada dalkaasi ee ka qeyb qaadanaya howlka Amisom, gudaha dalka Soomaaliya.
Diyaaraddan ayaa waxaa la socday saraakiil ka tirsan ciidamada dalka Uganda, inkastoo aan weli soo bixin faah faahin dheeraad ah oo ku saabsan waxa keenay shilkan diyaaradeed.
Paddy Ankunda, afhayeenkii hore ee ciidamada Amisom ayaa waxaa uu xaqiijiyey inay gebi ahaanba burburtay diyaaradda oo aheyd mid siday sahay loogu talagalay in la soo gaarsiiyo ciidamada Amisom ee jooga gudaha magaalada Muqdisho.
|