Guddiga qiimeynta abaaraha ka jira deegaanada Gal-mudug oo soo saaray war saxaafadeed
Posted on: Isniin, 09 March 2009 - Simba, Muqdisho
Guddiga qiimaynta abaaraha deegannada Gal-mudug oo kormeerkooda ka dib soo saaray warsaxaafadeed muujinaya dhibaatada ay abaartu u horseedday nolshii dadka iyo duunyadii ay dhaqan jireen.
Warsaxaafadeedkaan ayaa lagu yiri:- Taariikhdu markay ahayd 02/03/2009 ayaa waxaa kormeer u baxay Guddi ka kooban Shan xubnood oo uu hogaaminaayo Kumushirerka Horumarinta Arimaha Bulshadda ee maamulka Galmudug State Mudane Mursal Xaashi Shirwa ayadoo horey loo si qorsheeyay guddigu inta uusan bixin meelaha uu ka bilaabaayo kormeerka.
Guddigu waxa uu go,aan saday in uu kormeero labo aag oo kala ah Waddada Burtile ilaa Wadadda Golol, aaga labaadna Wadadda Golol ilaa Wadadda Hobyood. Waxuuna shaqada ka bilaabay in uu la kulmo wax garadka Reer Bud Bud,oo u sheegeen in ay jirto Abaar aad iyo aad u daran oo iskuguna jirta BIYO iyo BAAD la'aan aad iyo aad u daran keentayna in ay baa ba'aan nuuc yada Xoolaha iyo Duurjoogtuba.
Guddiga oo sii ambo qaadayeen warbixinta warsaxaafadoodkooda ayaa yiraahdeen:- 03/03/09 ayaan ka baxnay Bud Bud oo waxaan bilownay Qiimaynta xaaladdu siday ay tahay marka la eego jahada Bari ka xigta Bud Bud, iyagoo ku xijiyeen Jahada Waqooyi Bari ee Bud Bud tuulooyinka ay tageenna iyo waxyaabaha ay ku soo arkeenna waa:
|
Nawaaxiga Bud Bud |
|
|
|
No. |
Magaca |
Tirada Reeraha |
Barta Biyo ugu dhaw |
Xoolaha
dhintay |
|
|
|
|
|
1 |
Higlo Laaslay |
70 |
Bud Bud |
700 |
2 |
Baraagaha Qararo |
550 |
Bud Bud |
5500 |
3 |
Hareeri Gabna Wade |
95 |
Bud Bud |
950 |
4 |
Baraagaha Galjiic |
25 |
Bud Bud |
250 |
5 |
Caday Buubaal |
50 |
Bud Bud |
500 |
6 |
Guxurre |
75 |
Bud Bud |
750 |
7 |
Jiray iyo Buuro Cad Cad |
210 |
Bud Bud |
2100 |
8 |
Goobsoor iyo Sadex Higlo |
300 |
Bud Bud |
3000 |
9 |
Bali Dacare iyo Cigaal Cade |
360 |
Bud Bud |
3600 |
10 |
Madaxdaran & Gadoon Qurun |
700 |
Bud Bud |
3000 |
11 |
Haraan Hur & Higlo wanan |
150 |
Bud Bud |
500 |
12 |
Afwayn |
160 |
|
|
13 |
Iidaan |
190 |
|
|
14 |
Kalad |
100 |
|
|
|
|
|
|
|
|
Nawaaxiga Khaydarre |
|
|
|
|
Xindawaco, |
|
|
|
15 |
Baraagta Fayuuke |
500 |
Bitaale |
70 |
16 |
Higlaale xaraar |
250 |
Bitaale |
37 |
17 |
Qaydarre |
200 |
Bitaale |
80 |
18 |
Baraagaha Jilable |
500 |
Bitaale |
25 |
19 |
Jilable Hayre |
90 |
Bitaale |
80 |
20 |
Baraagta Diiriye
iyo Cinjirre xaraar |
60 |
Bitaale |
0 |
21 |
Sarjimaale,
Xanale, Ceelgaab |
800 |
Bitaale |
0 |
|
Total |
5435 |
|
23642 |
Dhibaatada haysata Dadka iyo Xoolaha ku nool Bud Bud waa biyo iyo Daaq la'aan oo dhulku malaha wax Xooluhu ay ka gooyaan; sidoo kale Xooluhu ma haystaan wax biyo ah. Ddhibaatada kale ee ka jirta halkaas oo ah mid aad iyo aad looga naxo dadkii oo ay haysato labo arimood oo kala ah:
Nafaqo daro iyo tabar la'aan taas oo sababi karta in Dadku gaar ahaan Caruurta iyo dumarku ay dhamaadaan.
Dad badan oo ay Xoolihii ka dhamaadeen gaar ahaan gaadiidkii ay adeegsan jireen sida Awrta iyo Dameeraha kadibna ay ku qasbanaadeen in ay naf u soo raadsadaan Magaalada Bud Bud
Dhinaca Qaydarre
Wax yeelada Abaartu runtii waa mid aad iyo aad iskugu dhaw dhaw wax yeelaysana dad iyo Duunyaba,dhanka Qeydarre waxaan ku soo aragnay sidoo kale sadex arimood oo kala ah:
Biyo la'aan aad iyo aad u daran baabisayna Xoolo iyo Xawyaankii duurjookta ahaa. Wadooyinka oo ku yar dhulka ay dhibaatadu ka dhacday wax yaalaha arinta sii cakiraayana waxaa kamid ah Wadooyinka oo Bacaad lala marikarin.
Goobaha Biyaha laga soo qaadayo oo meesha ugu dhaw ay u jirto 35km rafna ah iyo Bacaad aad u daran.
Wax qabad la'aan- Waxay dhammaan goobahaas abaaruhu ku habsadeen ka simanyihiin inaysan jirin ilaa iyo hadda cid wax ka qabatay nuucey doonto ha ahaatee.
War saxaafadeedka ayaa lagu codsaday:
"Waxaan ka codsanaynaa Ganacsatada Gobolka, Jaaliyadda Dibada, Ha'addaha Calamigaa, Waddamada Deeqdaha iyo bixiya Hay'adaha Maxaliga in ay gacan bini'aadanimo ay gaarsiiyaan Dadkaas iyo Xoolahaas ay Abaartu wax yeelaysay".
Haddii aan wax laga qabanna arintaan Abaaraha waxaa halkaas ka dhaci kara MUSIIBO bini'aadanimo oo aad iyo aad u xun
Xaqiiqadiina culaabta abaareed ee ka jirta deeganada kormeerka lagu sameeyaay waa mid u baahan gurmad Caalami ah iyo inaan loo kala harinQiimeyntaan lacageed ee u dhiganta qoyskiiba 3 fuusto week-gii ma ahan baahida dhabta ah ee waa dhuun qooyn oo kaliya, taasoo ku tusin karta ma siibadu heerka ay culaab le'egtahay.
Waxaan ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed ee Illaah wax siiyay in ay gacan u fidiyaan walaalahood, waxaan kaloo ka codsanaynaa Maamulka Gal-mudug in uu arinka siiyo muhiimad aad iyo aad u saraysa meelkastan uu gaarsiiyo qayladhaan.
Mursal Xaashi Shirwa Gudoomiyaha Gudiga Abaaraha
|