Dowladda China oo sheegtay in ay kordhin doonto howlgalka ka socda xeebaha Soomaaliya
Posted on: Isniin, 09 March 2009 - Simba, China
 |
| China ayaa wada qorshe ay ku soo direyso maraakiib dagaal |
|
Sarkaal sare oo u hadlay dowladda China ayaa sheegay in dowladdiisu ay qorsheyneyso inay kordhiso howlgalka ka socda xeebaha ee lagula dagaalamayo kooxaha burcad badeeda, howlgalkaasi oo qeyb ay ka tahay dowladda China.
Falalka afduubka ay ku kacaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa hoos u dhacay mudooyinkan dambe, sidaasi waxaa lagu sheegay war ka soo baxay dowladda Mareykanka.
Dowladda China waxaa ay tilmaamtay inay dooneyso dib u soo cosbooneysiin ay ku sameyso ayna maraakiib dagaal u soo direyso xeebaha Soomaaliya, ka dib markii uu idlaaday waqti uu socday howlgal ay China ugu talagashay in ay ka qeyb qaadato.
Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan maraakiib dagaal ay leeyihiin dowlado shisheeye si ay uga hortagaan falalka afduubka ay ku kacaan kooxaha hubeysan ee ka qaraabta biyaha ku dhirirsan dalka Soomaaliya.
|