:: Welcome --- Simba | News in Somali

13 qof oo ku dhaawacmay weerar bambaano oo ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso
Posted on: Isniin, 09 March 2009 - Simba, Muqdisho

Qarax bambaano ayaa lagu weeraray ciidanka booliska maamulka Puntland

Weerar loo adeegsaday bam gacmeed ayaa ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland habeenkii xalay, waxaana dhaawac ka soo gaaray illaa 13 qof, sida uu soo sheegay wariyaha idaacadda Simba.

Weerarkan ayaa dhacay xilli uu socday howlgal ay fulinayaan ciidanka booliska, waxaana ku dhaawacmay 7 ka mid ah booliska halka inta kale ay yihiin dad rayid ah.

Warar aan si rasmi ah loo hubin ayaa sheegaya in uu geeriyooday mid ka mid ah dadka rayidka ee dhaawaca soo gaaray, iyadoo tirada dadka waxyeelada ka soo gaartay weerarkan ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaad ee magaalada Boosaaso.

Lama ujeedada ka dambeysa weerarkan iyo cidda fulisay, iyadoo saraakiisha ammaanka ay ka gaabsadeen in ay faah faahin ka bixiyaan sida ay wax u dhaceen.

Dhanka kale, wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha maamulka Puntland ayaa lagu xadiday qiimaha lagu sarifo lacagaha dollarka iyo shilinka Soomaaliga suuqyada Puntland.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani