:: Welcome --- Simba | News in Somali

Dagaal dhex maray xoogag kala taabacsan "Al-Shabaab iyo Ahlu Sunna" oo ka dhacay deg. Baardheere
Posted on: Isniin, 09 March 2009 - Simba, Baardheere

Dagaal ayaa ka dhacay Baardheere

Maanta ayaa dagaal ku dhex maray xoogaga la rumeysan yahay in ay kala taabacsan yihiin Al-Shabaab iyo Ahlu Sunna waxaa uu ka dhacay qeybo ka tirsan degmada Baardheere ee gobolka Gedo, sida uu soo sheegayo wariyaha idaacadda Simba.

Illaa iyo haatan lama oga qasaaraha uu geystay dagaalkan, waxaase laga maqlayey deegaano badan rasaas kala duwan oo ay isweedaarsanayeen labada dhinac, taasoo walwal ku abuurtay dadweynaha ku nool deegaanadaasi.

Dhinacyada dagaalamay ee Al-Shabaab iyo Ahlu sunna ayaan weli la hadlay warbaahinta, taasoo aan sidoo kalena aan kala cadeyn sababta dhalisay dagaalka ka dhacay gudaha degmada Baardheere.

Xaaladda guud ayaa haatan la soo sheegayaa in ay tahay mid xasiloon, iyadoo dadweynaha ay weli qabaan dareen ku wajahan sida ay isku bedeli karto xaaladda ka jirta degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani