:: Welcome --- Simba | News in Somali

Munaasabado lagu xusayo 8-da Maarso oo lagu qabtay magaalada Muqdisho iyo gobolada qaar
Posted on: Axad, 08 March 2009 - Simba, Muqdisho

Muqdisho iyo gobolada qaar ayaa laga xusay maalinta haweenka

Munaasabadda 8-da Maarso - maalinta haweenka - oo ku beegan maanta ayaa xaflado lagu xusayo waxaa lagu qabtay gudaha magaalada Muqdisho iyo gobolada qaar, iyadoo ay munaasabadahan ka qeyb galeen mas'uuliyiin iyo xubno kala duwan.

Munaasabadda Muqdisho, ayaa waxaa lagu qabtay xarunta maamulka gobolka Banaadir; Madaxdii ka hadashay munaasabaddana waxaa ka mid ah wasiirada wasaaradda horumarinta reer miyiga ahna sii hayaha wasaaradda arrimaha qoyska iyo haweenka.

Qadiijo Max’ed Diiriye oo ku guda jirtay jeedinta hal ku dhigyo ku aadan munaasabadda 8-da Maarso, ayaa waxay ku baaqday in ereyada looga hadlayo sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka taagan loo badalo ficil iyo wax qabad dhab ah.

Munaasabaddan oo kale ayaa waxaa lagu qabtay deegaano ka tirsan gobolka Gedo, iyadoo xubnihii ka qeyb qaadanayey munaasabadda ay soo bandhigeen wax qabadkooda.

Xuska munaasabaddan ayaa waxay ku soo aaday xilli weli ay jiraan dumar ku dhibaateysan gudaha caasimadda iyo gobolada qaar, iyadoo munaasabadihii maanta aad looga falan qooday sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka dumarka.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani