Dad badan oo cudurka shubanka ugu geeriyooday qeybo ka tirsan gobolka Sh/Dhexe
Posted on: Axad, 08 March 2009 - Simba, Raaga Celle
 |
| Degmada Raaga Celle ma lahan xarumo caafimaad |
|
Saacadihii ugu dambeeyey ayaa inta la ogyahay 11 qof waxay u dhinteen tiro intaasi ka badana ay la liitaan halista cudurka shubanka oo ka taagan deegaano ka tirsan degmada Raaga Ceelle ee gobolka Sh/Dhexe.
11-kan qof ee ayaa waxay isugu jiraan caruur iyo dad da' ah ka dib markii uu soo ritay cudurka shuban biyoodka, sida ay soo sheegayaan dadka ku dhaqan deegaanada uu saameeyey cudurka.
Degmada Raaga Ceelle, ma lahan xarumo caafimaad oo lagula tacaalo dadaka uu soo rito cudurka shubanka, taasoo ay dheer tahay sara kac ku yimid qiimaha lagu iibiyaha la'isticmaalo.
Waxgaradka ku dhaqan degmada Raaga Ceelle ee gobolka Sh/Dhexe ayaa codsanaya in lala gaaro gurmad deg deg ah, si loola tacaalo xaalada nolol xumo ee soo food saartay.
|