Maamulka gobolka Banaadir oo ku celiyey in dib loo furi doono wadooyinkii ku xirmay dagaalada
Posted on: Axad, 08 March 2009 - Simba, Muqdisho
 |
| Dowladda iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa ku celiyey in la furi doono wadooyinka xiran |
|
R/wasaare ku xigeenka xukuumadda KMG ahna wasiirka wasaaradda kaluumeysiga iyo qeyraadka badda, C/raxmaan Ibi ayaa sheegay in la fulin doono balan qaado ay hore u soo saareen mas'uuliyiinta ugu sareysa maamulka gobolka Banaadir, taasoo ku wajahan wax ka qabashada dhibaatooyinkii soo maray gobolka Banaadir.
Prof. Ibi ayaa ku celiyey in dib loo furi doono wadooyin badan oo ku xirmay dagaaladii ka socday inta badan gobolka Banaadir balan qaadkaasi oo hore u jeediyey maamulka gobolka Banaadir, inkastoo illaa iyo haatan aan wax badan ka suurta galin fulinta balan qaadkaasi.
Wadooyinka ku xirmaymay dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay yihiin wadooyinka ugu waa weyn isla markaana hal bowlo u ah adeegyada iyo isticmaalka bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir, taasoo ay ka mid tahay jidka wadnaha ee ku yaala bartamaha magaalada Muqdisho.
Sidoo kale, gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Cusmaan Dhagaxtuur, isaguna waxaa uu carabka ku adkeeyey in laga dhabeyn doono balan qaadkii ku aadanaa in dib loo furo gabi ahaanba wadooyin dhex maray xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho.
Dhowaan ayey aheyd markii guddiga amniga qaranka uu qaaday talaabooyin wax looga qabanayey isbaarooyinka, waxaana guddiga uu ku guuleystay qaar ka mid ah qaadista isbaarooyinkaasi halka qaar kalena ay weli u harsan yihiin.
|