:: Welcome --- Simba | News in Somali

Wasiirka arrimaha gudaha oo kulan kula qaatay taliska ciidanka booliska gudaha magaalada Muqdisho
Posted on: Axad, 08 March 2009 - Simba, Muqdisho

C/qaadir Cali Cumar ayaa kulan la qaatay saraakiisha booliska

Kulan qaatay mudo saacado ah ayaa maanta lagu qabtay xarunta gaadiidka booliska ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb galeen wasiirka arrimaha gudaha dowladda KMG, C/qaadir Cali Cumar iyo saraakiil ka tirsan hogaanka ciidanka booliska.

Muhiimadda ugu weyn kulankan ayaa waxaa ay aheyd wax ka qabashada dhibaatooyinka xasilooni darro ee ka jirtay goobo kala duwan oo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Markii uu soo idlaaday kulankan ayaa saxaafadda waxaa la hadlay afhayeenka ciidanka booliska, C/llaahi Xasan Bariise, isagoo shaaca ka qaaday qodobada kale ee looga hadlay kulanka in uu ka mid ahaa sidii loo sameyn lahaa isku dhaf dhanka ciidamada.

C/llaahi Xasan Bariise ayaa dhanka kale waxaa uu sheegay in uu jiro tobabar u socda ciidamada booliska xarunta Iskuul boliisiya ee magaalada Muqdisho.

Kulankan maanta isugu yimaadeen wasiirka arrimaha gudaha iyo saraakiisha ciidanka booliska ayaa gaba gabadiis waxaa lagu balamay in dib la'isugu soo laabto, si loo wajayo xaaladaha ammaan ee ka jira magaalada Muqdisho.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani