:: Welcome --- Simba | News in Somali

Jabhadda ONLF oo sheegtay inay dishay "30" ka mid ah ciidamada Itoobiya ka dib dagaal ay la gashay
Posted on: Axad, 08 March 2009 - Simba, Muqdisho

ONLF ayaa sheegtay in qasaare ba'an u geysatay Ethiopia

Saaka ayaa waxaa degan xaaladda ammaan ee degmada Mustaxiil - dhulka ismaamulka Soomaalida ee dalka Ethiopia, ka dib dagaal qaraar oo halkaasi ku dhex maray ciidamada Itoobiya iyo jabhadda xoreynta Ogadinia - ONLF.

Xuseen Nuur, xoghayaha xafiiska ONLF oo u waramayey idaacadda Simba ayaa sheegay inay ku itaal roonaadeen dagaalkii ay la galeen ciidamada Itoobiya, "ayna dileen 30 ka mid ah ciidamadaasi, halka ay qabteen gaadiid kuwa dagaalka ah", sida uu hadalka u dhigay.

Dagaalkan dhex maray labada dhinac ayaa ahaa kii ugu cuslaa inta la ogyahay, iyadoo dhulkii uu saameeyey dagaalka laga dareemayo raadadkii uu ku reebay, dadka deegaanka ayaa soo sheegaya.

Dhanka kale, ciidamada Itoobiya ayaa hakad waxaa ay geliyeen wadada xiriirisa gobolka Hiiraan iyo kalinka shanaad dalka Ethiopia taasoo dhex marta degmada Mustaxiil.

Ma cada ujeedada dhabta ah ee ka dambeysay talaabadan ay ciidamada Itoobiya ku xayireen isticmaalka wadada, balse warar ayaa tibaaxaya in goobahaasi lagu arkayo raadadkii dagaalka uu sameeyey.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani