Wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha hey'adda Culimada diinta oo ku wajahan dalka Qadar
Posted on: Axad, 08 March 2009 - Simba, Muqdisho
Wafdi ka kooban shan xubnood oo isugu jira Culima'udiin iyo Odayaasha dhaqanka ayaa la filayaa inay u duulaan dalka Qadar iyadoo socdaalkan uu ku wajahan yahay dadaalada nabadda ee laga dhex wado garabyada isku haya siyaasadda Soomaaliya.
Wafdigan ayaa waxaa hogaaminaya gudoomiyaha hey'adda Culima'udiinka, Sheekh Bashiir Axmed Salaad, waxaana safarkiisa ku wehlin doono xubno ka tirsan odayaasha dhaqanka.
Afhayeenka hey'adda Culima'udiinka, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo u waramayey idaacadda Simba, ayaa sheegay in safarkan uu la xiriiro sidii loo dardar gelin lahaa dadaalada dhanka nabadda iyo dib u heshiisiinta.
Safarkan xubno ka tirsan Culima'udiinka iyo Odayaasha dhaqanka ugu ambabaxayaan dalka Qadar ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli dhowaan dalka ay soo gaareen wafdi ka socday hey'adda Culima'udiinka caalamka.
|