Afar qof oo ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay duleedka waqooyi ee magaalada Kismaayo
Posted on: Axad, 08 March 2009 - Simba, Muqdisho
 |
| Shil gaari ayaa waxaa ku dhaawacmay afar qof |
|
Maanta ayaa shil gaari waxaa uu ka dhacay deegaanka Buulo Guduud oo dhaca duleedka waqooyi ee magaalada Kismaayo - xarunta gobolka Sh/Dhexe, sida uu soo sheegayo wariyaha idaacadda Simba.
Shilkan ayaa waxaa uu yimid ka dib markii ay isku dhaceen labo gaari oo midkood ay saarnaayeen dad rakaab ah, sababo la xiriira burbur ka muuqda wadada uu ka dhacay shilkan.
Dadka ku dhaawacmay shilkan oo qaarkood aad u liidato xaaladooda caafimaad halka qaarka kalena ay fudud yihiin dhaawaca soo gaaray, ayaa waxaa la gaarsiiyey xarun caafimaad oo ku taala gudaha Kismaayo, iyo isu geynta dadka waxyeeloobay ay gaareyso afar qof.
Maamulka Islaamiga ee ka dhisan magaalada Kismaayo ayaa ku guuleystay sameynta ciidamada wadooyinka si ay u kala hagaan gaadiidka, balse wadooyinka qaar ayaa waxaa ka muuqda burbur soo wajahay, inkastoo shilalka ay yaraadeen wixii ka dambeeyey sameynta ciidamada wadooyinka gudaha Kismaayo.
|