:: Welcome --- Simba | News in Somali

Maamulka Islaamiga ee gobolka Gedo oo ka war bixiyey kulan uu la qaatay Odayaal iyo Waxgarad
Posted on: Axad, 08 March 2009 - Simba, Baardheere

Kulan muhiim ay wada qaateen saraakiisha maamulka Gedo iyo Odayaasha iyo Waxgaradka

Ka dib kulan ay wada qaateen Odayaal dhaqmeed iyo Waxgarad iyo weliba saraakiil ka tirsan maamulka Islaamiga Al-Shabaab ee gobolka Gedo, ayaa waxyaabihii ka soo baxay kulankaasi waxaa ka faalooday sarkaalka ugu sareeyey maamulka gobolka Gedo.

Kulankan ayaa ujeedada ugu weyn waxaa uu ahaa iskaasha dhanka nabad gelyada ah oo ay yeeshaan maamulka iyo Waxgaradka ku nool deegaano hoos yimaada gobolka Gedo.

Barre Maxamed Faarax - Barre Qooje - ayaa sheegay kulanka in la'isku afgarta sidii nabad loogu soo dabaali lahaa guud ahaan gobolka Gedo iyo mas'uuliyiinta ku dhaqan gobolkaasi sidii uga shaqeyn lahaayeen isdhex galka bulshada.

Barre Qooje ayaa waxaa uu muujiyey in loo baahan yahay kulan deg deg oo isugu yimaadaan bulshada ku dhaqan gobolka Gedo, kulankaasi oo uu tilmaamay inuu quseeyo arrimo badan, isagoona tilmaamay qorshahan in uu kala hadlay xubinii uu la kulmay.

Gobolka Gedo ayaa waxaa uu ka mid yahay gobolada ay maamulaan saraakiisha Al-Shabaab, kuwaasoo kulamo gaar gaar ah la qaata Waxgaradka ku nool deegaanada ay maamulaan iyagoona kala hadlay iskaashi dhex maray labada dhinac.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani