:: Welcome --- Simba | News in Somali

Jabahadda ONLF oo qasaare ba'an "u geysatay ciidanka Itoobiya": sarkaal u hadlay ONLF
Posted on: Jimce, 06 March 2009 - Simba, Muqdisho

ONLF ayaa sheegtay in qasaare u geysatay Itoobiya

Dagaal kulul ay ku dhex maray ciidamo kala taabacdan dowladda Ethiopia iyo Jabhadda xoreynta Ogadina ee ONLF deegaano ka tirsan dhulka ismaamulka Soomaalida kaasoo qasaare ba'an dhaliyey.

Xoghayaha warfaafinta Jabhadda ONLF, Xuseen Nuur oo u waramayey idaacadda Simba ayaa waxaa uu sheegay in waxyeelo ba'an ay u geysteen ciidamada Itoobiya, hasa ahaatee ma jiro warar madax banaan oo ka faaloonaya inta uu gaarayo qasaaraha ka dhashay dagaalkan.

Dhowaan ayey aheyd markii dowladda Ethiopia dib uga daad gureysatay ciidamadeeda gudaha Soomaaliya ka dib labo sano oo ay wadeen dagaalo aad u culus iyagoo la safnaa dowladdii TFG-da ee hogaanka u hayey C/llaahi Yuusuf Axmed.

Mas'uulkan u hadlay xafiiska warfaafinta ONLF, Xuseen Nuur ayaa ku eedeeyey dowladda Ethiopia, ka dib markii ay ka soo baxday Soomaalia, in ay xooga saartay weerarada lagu qaado xarumaha ay joogaan ONLF.

Wuxuuna hadalkiisa intaasi ku daray dhankooda in ay wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada Itoobiya "oo dhibaato ba'an ku haya dad shacab ah" sida uu hadalka u dhigay.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani