:: Welcome --- Simba | News in Somali

Sare kac qiimaha khudaarta oo laga dareemay degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose
Posted on: Jimce, 06 March 2009 - Simba, Afgooye

Waxaa sare u kacay qiimaha lagu iibiyo khudaarta noocyadeeda kala duwan suuqyada degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose, sida uu soo sheegayo wariyaha idaacadda Simba.

Dadka ka ganacsada khudaarta ayaa ku micneeyey ka dib markii la guda galay xilliga jiilaalka oo aan si wanaagsan u soo go'in dhirta qeybaheeda kala duwan.

Mudooyinkan ayaa qiimaha lagu iibiyo khudaarta ee suuqyada gobolka Sh/Hoose waxaa ay ahaayeen mid hoos u sii socday; balse "wax walba way isbedeleen."

Ganacsatada ayaa hore u sheegay in qasaare dhaqaale ay soo gaartay markii hoos u dhacay qiimaha khudaarta mudooyinkii la soo dhaafay.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani