:: Welcome --- Simba | News in Somali

Markab dalxiis oo laga leeyahay dalka Britain oo ka badbaaday kooxaha burcad badeeda Soomaalida
Posted on: Khamiis, 02 April 2009 - Simba, Muqdisho

Markab dalxiis oo lagu weeraray biyaha Soomaaliya

Weerar dhicisoobay oo ayaa ka dhacay biyaha Soomaaliya ka dib markii kooxaha burcad badeeda ay isku dayeen inay qafaashaan markab laga leeyahay dalka Britain.

Sarkaal u hadlay dowladda Britain ayaa waxaa uu sheegay inuusan garaneynin halka uu ku jeeday markabkan, hayeeshee waxaa uu qiray inuu ka mid ahaa maraakiibta dalxiiska ee dalkaasi.

Markabkan oo ay saaran yihiin illaa todobo qof ayaa biyaha Soomaaliya waxaa uu joogay mudo labo iyo toban maalmood.

Sarkaal isaguna u hadlay dowladda Kenya ayaa waxaa uu sheegay illaa shan weerar ay todobaadkiiba ka dhacaan xeebaha ku dhirisan dalka Soomaaliya.

Xilligan ayaa kooxaha burcad badeeda waxaa ay xoojiyeen falalka ay kula kacaan maraakiibta shisheeye, waxaana la sheegay inay gacantooda ku jiraan toboneeyo markab oo isugu jira kuwo dalxiis iyo dhanka ganacsiga loo adeegsado.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani