6 ka tirsan maleeshiyaadka uu hogaaminayo Barre Hiiraale oo lagu dilay qarax lagula eegtay Baardheere
Posted on: Khamiis, 15 January 2009 - Simba, Baardheere
Goor dhoweyd ayaa qarax weerar ah oo aad u xoogan waxaa laga maqlay gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo, kaasoo lala eegtay qaar ka tirsan maleeshiyaadka uu wato xildhibaan Barre Hiiraale.
Weerarkan ayaa waxaa la xaqiijiyey in ay ku geeriyoodeen illaa lix ka tirsan maleeshiyaadkaasi tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii qaraxa lala eegtay gaari ay saarnaayeen.
Waxaa isbedel laga dareemay xaaladda degmada Baardheere iyadoo dadweynaha ay muujinayaan talaabada xigi karta weerarkan geystay qasaaraha faraha badan.
Ma jiro war ka soo baxay saraakiisha hogaamineysa maleeshiyaadkan taabacsan Xildhibaan Barre Hiiraale, waxaana jira dhaq dhaqaaqyo ay wadaan maleeshiyaadka ku sugan gudaha degmada Baardheere.
Wixii warar ah ee soo kordha kala soco Radio Simba iyo www.simbanews.com
|