Sarkaal ka tirsan Isbaheysiga dib u xoreynta ee Jabuuti oo shacabka ugu baaqay in ay xasilooni muujiyaan
Posted on: Khamiis, 14 January 2009 - Simba, Muqdisho
Gudoomiye ku xigeenka guddiga fulinta Isbaheysiga dib u xoreynta ee garabka Jabuuti, Sheekh C/qaadir Cali Cumar ayaa baaq u jeediyey shacabka Soomaaliyeed iyo weliba xoogaga hubeysan ee dagaalama.
Ereyo uu ka jeedinayey xeradii Guulwadayaasha halkaasoo ay la wareegeen xoogag taabacsan Maxkamadaha, ayaa Sh. C/qaadi Cali waxaa uu ugu baaqay shacabka in ay isdejiyaan isla markaana ay muujiyaan xasilooni.
Sidoo kale waxaa uu ka digay iska horimaad dhex mara xoogaga hubeysan, taasoo la xiriirta la wareegidda goobihii ay baneeyeen ciidamada Ethiopia, gudaha Muqdisho.
Arrintan ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa xilli jahwareer baahsan laga dareemayo magaalada Muqdisho, iyadoo dadweynaha aad ugu mashquulsan yihiin booqashada goobihii ay baneeyeen ciidamada Ethiopia. |