:: Welcome --- Simba | News in Somali

Dowladda China oo baaq u jeedisay QM in si wanaagsan ugu lug yeelato arrimaha Somalia
Posted on: Khamiis, 14 January 2009 - Simba, Kambala

Dowladda China ayaa baaq u jeedisay beesha caalamka iyo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in wax laga qabto isbed bedalada ka dhacaya wadanka Somalia.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda China oo booqasho ku jooga wadanka Uganda ayaa si gaar ah ugu baaqay Qaramada Midoobay in si wanaagsan ugu lug yeelato arrimaha dalka Somalia.

Wasiirka waxaa uu sheegay in ciidamada Amisom ee haatan ku sugan gudaha Somalia ay qabteen howl wanaagsan, isagoona muujiyey in ay sii wajahi doonaan dhibaatooyin culus, ka dib markii dowladda Ethiopia ay bilawday daad gureynta ciidamadeeda.

Haddaba, dowladda China ayaa ugu baaqday caalamka si loo soo ajaro dhibaatooyinka ka taagan Somalia in la xaliyo arrimaha siyaasadda iyo mida bulshada isla markaana la dejiyo xaaladda dalka.

| Contact
 
Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani